Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayaa beenisay warar ay Warbaahintu ku sheegen in 35 Askar Raashiyaan iyo kuwa Suuryaan ah lagu dilay Is-qarxin xalay ka dhacday Gobalka Daraac ee Koonfurta Syria.
Wasaaradada Difaaca Raashiya waxay sheegtay inaysan jirin Askar looga dilay Gobalka Daraac iyo guud ahaan gudaha dalkaasi.
Kooxda Daacish ayaa sheegatay Is-qarxin xalay lala beegsaday Ciiddamo ku sugnaa Gobalka Daraac oo ku dhow xuduudka Syria la wadaagaan dalka Urdun.