C/wali Gaas oo Muqdisho soo gaaray xili doorashada ay ka harsantahay 72 saac(Yuu u ololeynayaa )

Madaxweynaha Puntland C/Gaas ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho shalay xili ay wax ka yar 72 saac ka harsantahay doorashada Soomaaliya .

 

Gaas safarkiisa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan golihiisa wasiirada , waxaana wararka ay Radio Dalsan heleyso sheegayaan inuu dagay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulana uu la yeeshay musharax madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyagoo ka wadahadalay halka ay mareyso ololaha doorashada.

Xildhibaan hore  Cabdi Xoosh Jabriil ayaa bartiisa facebook xalay soo dhigay in Gaas u ololeynayo madaxweyne Xasan inuu ku soo labo talada dalka , imago sheegay in hawlihiisa Puntland uu arintaas darteed uga yimid.

 

Horey waxa Xasan Sheikh ugu ololeynayey madaxweynaha K/Galbeed Sharif Xasan Sheikh Aadan , madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Hirshabelle Osoble

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media