(AKHRISO}:- Jadwalka Dooda Musharaxiinta Madaxweynaha oo Maanta la Qabanayo.

23 Musharax oo utaagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa maanta magaalada muqdisho loogu qabanayaa  Dood ku saabsan Doorashada madaxweynaha oo Arbacada ina soo aadan ka dhaceysa Xarunta Ciidamada Cirka ee Afisiyooni.

Dooda ayaa inta ay socoto Su’aalo si Siman loogu qeybin doonaa Musharxaiinta madaxtinimada ee doonaya inay qabtaan xilka madaxweynaha Afarta sano ee soosocota waxaana laga daawan donaa sida uu Qorshuhu yahay doodaasi  TV-ga  Dowlada iyo qaar kamid ah Talavisionada ku hadla afka Somaaliga oo tabinaya dooda si ay Dadweynaha Somaliyeed uga daawadaan Gudaha iyo Dibada.

Guddiga qabaan qaabada Doorashada madaxweynaha ayaa soo saaray jadwalka dooda Musharaxiinta ay uga hadlayaan  arimaha siyaasada dalka iyo barnaamijkooda waxqabad.

War Qoraal ah oo kasoo baxay  Guddoomiyaha Guddiga doorashada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa laba qeyb loo kala qaaday  Musharaxiinta dooda dhex mareysa iyadoo 11 Musharax ay doodi doonaan gelinka hore ee maanta, halka 12 musharax kalana  ay doodi doonaan gelinka dambe ee Maanta.

Dooda  ayaa horey ubaaqatay Qadka internet-ka aawgiis waxaana  gudoonka baarlamaaanka uu shaaciyey in laqaban doono markale  6-da bisha oo ku beegan maanta oo Isniin ah islamarakaan doodaasi ay ka qeyb gali donaan dhamaan musharaxiinta madaxtinimad ee Dalka.

Waa Markii ugu horeysay Dalka ay Dood dhaxmarto musharaxiin utaagan xilka Madaxweynaha oo ay is hor imaadaan doonaan Musharaxiin dhowr ah oo uu  midkastaa ku jiro damaca ah hogaaminta Dalka .

Halkaan Hoose Ka Akhriso Jadwadka Dooda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media