Cumar C/rashiid oo farmaajo iyo Kheyre ku eedeeyay in ay dalka  waqti ka lumiyeen

Ra’iisul wasaarihi hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmake ayaa Maadxweyne Maaxmed Cabdullaahi maxamed Farmaajo waxaa uu ku eedeyay in uu waqti badan dayacay, kaasi oo wax bbadan looga qaban karay marxaladda hadda  dalku marayo.

Waxaa uu sheegay Cumar cabdirashiid in loo baahnaa laba sano ka hor in go’aan laga gaaro waxyaabaha hadda la isku haayo ee la xariira siyaasadda dalka, Farmaajo iyo Xasan Cali kheyre ayuu sheegay in ay haysteen fursad aad u weyn oo ay waxyaabo badan ku xalin kareen,  balse waxaa uu ku eedeyay labada mas’uul in aysan ka faa’iideysan fursadihii tirade badnaa ee Soomaray.

Waxyaabaha la isku haayo ee madaxda dowladda federaalka iyo  Maadxda dowlad Goboleedyada ayuu sheegay  in lay ku habbooneyd in waqti hore xal laga gaaro, waxana uu ku tilmaamay wada hadal waqtigii loo baahnaa aan la qaban oo dib u dhaacy.

Madaxweyne Farmmaajo ayuu ku eedeeyy in uu isticmaalayo awood uuna wax waliba kaligiis isku koobay, waxaana uu ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo magacaabo ra’iisul wasaare.

Hadalka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar cabdirashiid Sharmake ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socdo shir u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana wali dalku uu yahay mid ra\iisul wasaare la’aan ah.

Comments
Loading...