Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Caawa ka dhacay xaafad ka mid ah Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kaas oo siweyn looga maqlay Magalada Baladweyne.
Wariyeyaal ku sugan Baladweyne ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa oo loo maleynayo in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah uu ka dhacay xaafada Buundoweyn  gaar ahaan Wado jaay ah oo ku taalla Xaafadaas.
Dad ku sugan Xaafada Buundoweyn ayaa u sheegay Radio Dalsan in aysan garaneyn cida lala eegtay qaraxaas,hayeeshee goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla goobo Ganacsi oo aad u farabadan.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Baladweyne ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo haatan wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxaas.