Ciyaartoyda Kubadda Koleyga Soomaaliya oo ka adkaaday kuwa kenya

Ciyaaryahanada kubbada Koleyga Soomaaliya ayaa xalay adkaaday kooxda kubadda Koleyga Co-operative Bank ee wadanka Kenya.

Kooxdan ayaa kamid ah kuwa ugu awooda badan dhinaca kubadda Koleyga guud ahaan wadanka Kenya.

Kulanka ay wada ciyaaren oo ahaa mid saaxibtinimo waxa aad u ciyaar wanaagsanaa ciyaaryahanada Soomaalida oo markii dambana guul gaaray iyaga oo ku adkaaday 62:93.

Ciyaartoyda mataleysay Soomaaliya ayaa ka timid waqooyga Ameerika gaar ahaan dalalka Mareykanka iyo Kanada.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor