Ciyaartoy ka socota dalka Eritrea oo Muqdisho kusoo wajahan,kadib codsi….

Xoghayaha Guud ee Xiriirka K/Cagta ee Qaranka Eritrea, Mehari Hidru Tesefaay ayaa xaqiijiyey inay oggolaadeen Casuumaad ay X.S.K.C. ku codsadeen inay Ciyaartoyda K/Cagta Eritrea ee ay da’doodu ka hooseyso 20-jirka booqasho ku yimaadaan magaalladda Muqdisho, si ay ciyaar saaxiibtinimo ula yeeshaan dhigooda dalka Somalia.

Qoraalka uu Xoghayaha Guud ee K/Cagta Eritrea u soo diray X.S.K.C waxa uu kaga soo jawaabay codsi ay Xiriirka Somalia u soo direen bishan Janaayo 22-da, si ay labada dhinac u yeeshaan Ciyaar niyad-wanaag, taasi oo xaqiiqdii ka turjumaysa Aragtida Hoggaamineed ee Labada Madaxweyne ee Somalia iyo Eritrea.

Dhinaca kale, Ciyaartoyda K/Cagta Eritrea ee ay da’doodu ka hooseyso 20-jirka ayaa la filayaa inay Muqdisho u imaan doonaan Ciyaar saaxiibtinimo bisha soo socota ee Feberaayo 14-da ilaa 17-da, sida uu xaqiijiyey Xoghayaha Guud ee Xiriirka K/Cagta ee Qaranka Eritrea, Mehari Hidru Tesefaay.

Si kastaba ha ahaatee, Kulan-ciyaareedkaasi ayaa noqon doona Tartankii ugu horreeyey ee Heer Caalami ah oo lagu qabto magaalladda Muqdisho tan iyo burburkii Dowladdii Dhexe ee Somalia bilowgii sannadkii 1991-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor