Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ka jooga Xeebaha Somalia oo Xilliga loo kordhin doono.

Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Europe ayaa la rajeynayaa inay dhowrka isbuuc ee soo socda ku dhawaaqaan in xilliga loo kordhiyey Ciiddanka Badda ee ilaaladda ka haya Xeebaha Geeska Afrika.

Xilli-hawleedka Ciiddanka Badda ee Atalanta (EUNavfor) waxa uu ku eg yahay dabayaaqadda sannadkan, iyadoo ay u joogaan Xeebaha Somalia si ay ula dagaalamaan Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Madaxda Midowga Europe ayaa la filayaa inay ugu yaraan 12 bilood ku kordhiyaan Xilli-hawleedka Ciiddankooda ka jooga Xeebaha Somalia.

Hawlgalka EUNavfor waxaa la asaasay bishii December ee sannadkii 2008-dii, kadib, markii ay weeraro Burcad-baddeednimo ka dhaceen Gacan-biyoodka Cadan iyo Badweynta Hindiya.

Bishan November, waxay Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM muddo hal sanno ah ugu kordhiyeen Hawlgalka Ciiddanka Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ku sugan Badda Somalia.

Dhinaca kale, Maraakiib Dagaal oo laga leeyahay dalal ay ka mid yihiin Raashiya, Shiinaha, Japan, Australia iyo Koonfurta Kuurya ayaa iyagana qeyb ka ah Dadaalka Caalamiga ee lagula dagaalamayo Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor