In ka badan Kun Askari oo Ugandese ah ayaa soo gaaray magaalladda Muqdisho, waxayna ย Ciiddankan cusub qeyb ka yihiin Kooxda 22-aad ee Ciiddanka dagaalama ee Uganda.
Warbaahinta Uganda oo ka hadashay Ciiddanka loo soo diray Somalia, waxay sheegeen in Ciiddankaasi uu Taliye u ah Kolonel Paul Muwanguzi, halka Ku-xigeenkiisuna yahay Kolonel CK Asimwe.
Wargeyska New Vision ayaa qoray inay Ciiddankan Cusub soo dhamaysteen Tababar uga socday Xarunta Tababaradda Hawlgalladda Nabadda ee singo, oo ku taalla Degmadda Nakaseke ee dalkaasi.
Dhinaca kale, Ciiddankaasi waxay beddeli doonaa Guuto kale oo ka socotayย Uganda, kuwaasi oo Jimcihii la soo dhaafay dhamaystay Hawlgalladii ay u joogeen Somalia muddo hal sanno, iyago oqeyb ka ahaa Ciiddanka AMISOM.
Uganda waxaa Somalia ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari, waana Ciiddanka ugu badan ee ka kala socda dalalka Jabuuti, Kenya, Burundi iyo Ethiopia ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.