Ugu yaraan 10 Askari ayaa ku geeriyootay qarax saakayto ka dhex dhacay Gaari taagnaa meel ku dhow Bar Kontorool oo ku taalla Jesiiradda Basilan.
Sarkaal u hadlay Milliteriga dalkaasi waxa uu sheegay inuu Gaarigu qarxay, xilli ay Ciiddanka joojiyeen, si ay ula hadlaan Dareewalkii Gaariga.
Waxa uu yilmaamay inay tuhunsan yihiin in Koox Islaami oo gacan-saar la leh Kooxda Daacish ka dambeeyeen Qaraxaasi oo lagu dilay dad isugu jiray Askar, Maleeshiyo iyo dad rayid o oay ku jireen Hooyo iyo ilmo ay dhashay.
Guddoomiyaha Jesiiradda BASILAN, Jim Saliman waxa uu sheegay inay so ogaareen inay Kooxda Abu Sayaaf ka dambeysay Qaraxaasi, balse ma uusan bixinin Faahfaahino kale.