Howlgalka ayaa ka dhacay duleedka degaanka Bariire ee gobolka Shabellada Hoose waxayna Ciidanka Xoogga Dalka waxaa ay sheegeen in ay ku dileen Madaxii Hoobiyaasha Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka iyo tiro kale oo dagaalamayaal ah.
Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan isla markaana lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Madaxii Hoobiyaasha Al-shabaab.
Dhamme Axmed xasan Siyaad waxa uu sheegay in Howlgalka lagu dilay ku dhawaad 17 ka tirsan Al-shabaab iyo madaxii Hoobiyaasha dagaalamaayaasha Al-shabaab.
Taliye Axmed ayaa Magaca Horjoogaha la dilay ku sheegay Abuu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer gaabshe isagoona Shabaab u qaabilsanaa heynta iyo tuurista hoobiyaasha