Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa safar deg deg ah ugu amba-baxay dalka Kenya, waxaana la sheegay in halkaasi uu kulan muhiim ah ku lee yahay Madaxweyne Deni.
Kadib muddo uu ku sugnaa magaalada Muqdisho Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu maanta ka bixitimay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iagoo u duulay Magaalada Naorobi ee Caasimadda Kenya Waxaana wararku ay sheegyaan in uu la kulamayo Madaxa Arrimaha Sirdoonka u qaabilsan Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika Xuseen Darwiish Al Shamsi.
Sidoo kale kale dani ayaa ka warbixyay ka hor inta uusanย Nairobi u duulin arrimaha la xariira doorashooyinka iyo shirarkii u dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay, waxaana uu sheegay in uu rajeynayo muddooyinka soo socda in dalku uu geli doono doorasho, si nabad iyo xasilooni ah ku dhacda.
“Waxaan rajeynaya walwal badan oo laga qabay dhinaca doorashada inay maanta soo idlaatay, waxaan rajeynaya muddooyinka soo socda in dalku uu geli doono doorasho, si nabad ah uu ku geli doono oo xasilooni ah, waxaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan u rajeynayaa deganaansho iyo nabadooda oo ay ku fara adeygaanย dowladdnimadooda ay gacantooda ku haystaan midnamadooda illaaliyaan, amnigana lagu dadaalo sidii dalka amnigiisa loo horumarin lahaa” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.