Guddiga Xuquuqda Aaadanaha, Arrimaha Qoyska iyo horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada maamul Goboledka Puntland ayaa kormeer shaqo ku gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Guddiga ayaa kormeeray, kulana la qaatay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug, Saraakiisha Xabsiga weyn, Saldhiga dhexe, Maxkamadda Ciidamada, Maxkamada Gobolka iyo Degmadda, waxaana kormeerka qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland.
Guddiga iyo Xafiiska Difaacaha socdaalka ay ku gaareen Gaalkacyo ayaa ujeedadiisu ahayd u kuur-gelidda xaaladda xuquuqda Aadanaha ee goobaha dadka lagu xiro, dar-dargelinta adeegyada garsoorka iyo xaqiijinta wada-shaqaynta hay’adaha sharci-fulinta iyo hay’adaha garsoorka ee Gobolka Mudug, si loo hubiyo sugnaanta xuquuqda maxaabiista saldhigyada iyo kuwa ku jira xabsiga gobolka Mudug.