Ciidanka Xoogga oo guulo ka sheegtay dagaal ay Al-shabaab la galeen

Dagaal u dhexeeya Ciidanka xoogga dalka iyo Al-shabaab  ayaa la sheegay in uu ka dhacay Gobalka shabeellaha hoose, iyadoo dagaalkaas uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay in ay howlgalo ka fuliyeen degaanno hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada Hoose,  waxaana inta uu howlgalkaasi socday ay dagaal kala kulmeen dagaalamayasha Al-shabaab, iyadoo  ay guulo ka sheegteen Ciidanka xooggu dagaal kaas dhexmaray iyaga iyo Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 66-aad ee Guutada 14-ka Oktoobar ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Axmed Maslax Xuseen ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen degaan hoostaga Awdheegle, waxaana sida uu sheegay ay weerarkaas ku dileen xubin sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ay uga hadlayaan dagaalkan la sheegay in uu ka dhacay degaan u dhaw Awdheegle, balse inta badan dagaalada u dhexeeya labada dhinac ayaa inta badan waxaa ay ka  ka dhacaan degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media