Wararka aan ka helayno degaanka Garasle ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in uu ka socdo dagaal u dhexeeya beelo walaalo ah oo halkaas dega.
Degaanka oo dhaca xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya aya lagu warramayaa in uu ka socdo dagaal gaystay khaasre dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana laso sheegayaa in uu saaka uu billawday dagaalku walina uu socdo.
Sida la sheegay dagaalka ayaa ka dhashay muran la xariiro Barkado dhawaan degaanka laga qoday, kuwaas oo loogu tala galay in si nabad ah ay beelaha dagaalamaya ay cabbaan, balse waxaa la sheegay in ay ku heshiin waayeen.
Dadkii ku dhaawacmay dagaal beeleedka ayaa waxaa la gaarsiiyay Isbitaalada magaalooyinka Guriceel iyo Balanballe oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.