Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeeen tuulooyin hoostaga Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellada Hoose, halkaasi oo ay sheegeen in ay ku dileen sagaal dagaalame ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen tuulada Nuunaay oo 15 km dhanka Galbeed kaga began Degaanka Bariire
Ciidanka ayaa sheegay in howlgalka ku dillen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo ciidanka burburiyay Mid ka mid ah xabsiyada Qarsoon ee ay Al-Shabaab ku leeyihiin tuulada Nuunaay.
Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacadda Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyay mid ka mid ah Xabsi qarsoon oo Al-Shabaab ku lahayeen tuulada Nuunaay, isagoo intaa ku daray inay ciidamada kusoo furteen dad shacab ah oo nabadiidka si afduub ah ugu heesteen xabsiga qarsoon
Taliye Axmed ayaa tilmaamay in howlgalka lagu dilay Xubin sare oo Al-shabaab u qaabisanaa Xabsiga qarsoon, kaasi oo lagu magacabo Abuu Cabdullahi Mustaf iyo labo dagaalame oo goobta ku sugaa.