Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Shabeellaha Hoose

Dagaal khasaaro badan dhaliyay ayaa Ciidanka Dowlaadda iyo degaalamaayasha Al-Shabaab ku dhex-maray Gobolka Shabeellahaย  hoose,w axaana kasoo baxaya faah faahiino dheeraad ah oo ku aaaddan dagaalkaasi.

Ururka 83-aad, guutada 14October ee Xoogga dalka ayaa deegaanka Janaale Xalay kula degaalamay Xubno ka tirsan Al-Shabaaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

Saraakiisha xoogga ee deegaankaas ayaa soo bandhigay meydad ay sheegeen in ay yihiin xubno ka tirsan AL-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dileen dagaalka,w aaa sida ay hadalka u dhigeene.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in ay wali wadaan baaritaanno ay ku sameynayaan goobihii lagu dagaalamay, maaddaama ay sheegeen in uu jiro khasaaaro intaa ka badan.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee degaanadaasi, gaar ahaan ย degaanka Mushaani, ayaa sidaaas u xaqiijiyay Warbaahinta, taliyaha ururka 83-aad ee 14-ka October Gaashaanle Nuuradiin Xuseen ayaa intaa ku daray in khasaare ay gaarsiiyeen Al-Shabaab.

About Webmaster

View all posts by Webmaster