Xil.Aadan Barre Ducaale oo u hanjabay qaadiga Muslimiinta Kenya

Weli waxaa Muslimiinta ku nool dalka Kenya ka dhex socota dood ku aadan in Munaasabada Ciida ay noqon doonto Maalinta Talaadada oo beri ah,doodaas oo la isku marinayo Baraha Bulshada.

Madaxda Golaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ahna Xildhibaanka lagas oo doortay bartamaha degmada Garissa Aadan Barre Ducaale ayaa waxa uu ku hanjabay in uu dacwad u gudbin doono Guddiga garsoorka taasi oo ku aadan in talaabo dhanka anshaxa ah laga qaado qaadiga muslimiinta Kenya Kadhi Sheikh Ahmad Muhdhar.

Hadalka ka soo baxay Aadan Barre Ducaalle ayaa daba socda kadib markii Qaadiga uu su’aal ka keenay hadalkii wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka kenya Fred Matiang’ oo sheegtay in Maalinta Talaadadha ah la fasaxay Dhammaan Shaqaalaha sababo la xiriira dabaal dega Muslimiinta.

Xildhibaanka Garissa ayaa tilmaamay in uusan qaadiga dhaleeceyn karin amarka wasaarada amniga,isaga oo ku eedeyay hadalka qaadiga mid kala qeybinaya Muslimiinta.

Hadalka ka soo baxay Aadan Barre Ducaale ayaa waxaa taageeray qaar ka mid ah Muslimiinta dalka Kenya,iyaga oo sheegay in ay muhiim tahay in in talaabo dhanka anshaxa ah laga qaado qaadi axmed.

Qaadi ahmed ayaa maalin ka hor ka soo horjeestay in muslimiinta kenya ay dabaal degaan maalinta talaadada waxaa uuna tibaaxay in ciida carafo ay tahay maalinta arbacada.

Si kastaba ha ahaatee muslimiinta kenya ayaa maanta waxay sooman yihiin maalinta sagaalaad waxaana la filayaa in maalinta bari ah ay ciidaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor