Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa Goordhow ka furmay Shirweynaha Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka.
Xarunta uu Shirka ka furmay ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha Maamulada sida, Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug oo shirkaas marti-gelinaya, waxaana sidoo kale kulan sugan halkaas Mas’uuliyiin kala duwan oo badan.
Shirka ayaa inta uu socdo waxaa Khudbado kala duwan ka jeedin doona Madaxweyneyaasha Maamulada, waxaana shirkaas markii uu dhamaado laga soo saari doonaa War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.
Qodoboda ugu waaweyn ee Shirka looga hadli doono inta uu socdo ayaa waxaa kamid ah sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka dowlad Goboleedyada dalka iyo dowladda Feederaalka, xalinta Khilaafyada jira, xalinta tabashooyinka Maamulada ee dowladda iyo Arrimaha Doorashooyinka dalka ka dhaca.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta aad loo adkeeyay, iyadoona waddooyinka la dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya amniga Madaxda Dowlad goboleedyada ee ku sugan halkaas.