Ciidanka Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay saakay ka sameeyay gudaha Degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo maalmo kahor ay la wareegeen.
Ciidamada DANAB ayaa gacanta ku dhigay Beer aad u weyn oo lagu abuuray Xashiish farabadan, waxaana Saraakiisha hoggaamineysay Ciidanka ay sheegeen in Xashiikaas uu ka baxayay beerta.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay inay weli howlgalo kala duwan ka wadaan Xaafadaha Degmada Kuntuwaarey, halkaas oo jimcihii lasoo dhaafay kala wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo in muddo ah ku sugnaa.
Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa Gobolka Shabeellaha Hoose ka wada howlgalo kale oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaas, isla markaana ay ku sugan yihiin Al-shabaab.