Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 4-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB ayaa hawlgal ka sameyeeyay deegaanka Leego ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa intii ay ku guda jiren howlgalka waxay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi ku sugnaa deegaanka Leego, iyagoona lagu wado baaritaano kala duwan.
Sidoo kale ciidanka Kumaandooska ee Danab ayaa waxay ka wadaan Gobolka Shabeelada Hoose hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana Saraakiisha Ciidanka hoggaaminaya ay tilmaameen in howlgalada ay sii socon doonaan.
Shalay ayay aheyd markii Ciidanka dowladda Federaalka ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaana la qabtay, iyaga oo miino ku aasayay inta u dhexeeysa deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.