Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Casuumaad rasmi ah u diri doono Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ujeedka ugu weyn ee uu Madaxweyne Farmaajo u Casuumayo Madaxda ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Shirka Wadajirka ah ee dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaasoo maalmaha soo socda ka furmi doono Magaalada Muqdisho.
Shir saddex geesood ah ayaa maanta oo sabti ah dhex maray Madaxweyne Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, iyagoo mabda’ ahaan isla gartay in Dowlad Goboleedyada ka maqan soo biiraan shirka, si loo wada hadlo.
Dhinaca kale Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Qoraal kasoo baxay ayaa waxaa lagu boggaadiyay tallaabada ay qaaday Madaxtooyada, taas oo ah in si wadajir ah isugu keento Magaalada Muqdisho Hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada, isla markaana laga hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada 2020/2021.