Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Cabdiweli Sh Ibraahim Muudey.
Kulanka dhexmaray Axmed Madoobe iyo Guddoomiye Muudey ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed dalka, Arrimaha Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo Arrimo kale.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u sheegay in Maamulkiisa ay doonanayaan in dalka ay ka dhacdo Doorasho la isku raacsan yahay oo wakhtigeeda ku dhacda.
Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana kulamo kala duwan uu la qaatay Safiiro, siyaasiyiin, Mas’uuliyiin iyo xubno kale, isagoo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ah.