Ciidanka Booliska qeybta guud gaar ahaan ciidanka saldhigga deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa arroornimadii hore saaka waxaa ay xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ku toogteen Nin hubeysan oo dil geysan rabay.
Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo War soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen in ciidanka amniga deegaanka Garasbaaleey ay dileen Ninka hubeysan oo doonayay inuu dilo Askari ka tirsan ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xogta sahashay in la toogto Ninkii hubeysnaa ee dilka geysta ayey Taliska sheegeen inay keentay wadashaqeyn dhexmartay ciidanka Booliska iyo dadka deegaanka.
“Dhagar qabahaan ayaa qorsheenayay inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Booliska, waxaana xogta dhagarahaan sahashay wada shaqaynta Ciidanka Booliska iyo dadka deegaanka oo ah mid wanaagsan†ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo batay dilal qorsheysan oo geysanayaan rag hubeysan, waxaana horey magaalada lagu toogtay rag doonayay inay dilal u geystaan dad shacab ah iyo Askar ciidan.