Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Madaxweyne William Ruto?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa kulan la qaatay dhiggiisa Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo sidoo kale in ay Soomaaliya ku biirto Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Itoobiya uga qeyb galay Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga sida la dagaallanka Khawaarijta, arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha siyaasadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa waxaa uu sheegay in caqabadaha ka jira Gobolka ay ka mid yihiin dagaallanka argagixisada caalamiga ah, la tacaalidda isbaddalka cimilada, kobcinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyinka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa  inta uu ku yahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya inuu kulamo kale la yeesho qaar kamid ah Madaxdii ka qeyb gashay shirkii Midowga Afrika.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor