Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo gaar gaar ah ka wada Magaalada Addis Ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira kulamo uu la yeelanayo madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis-ababa ayaa kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Burundi Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

Kulamadan ayeey Madaxweyneyaashu ku dul istaageen dhibaatada xooggan ee argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda, iyagoo isla meel dhigay in la iska kaashado citirka kooxaha nabadda diidan si loo xaqiijiyo Afrika nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abey Ahmed, kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kaloo uu kulan la yeeshay dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Paul Kagame oo ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ay wadaagaan labada dal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor