Ciidan Cusub oo Tababar looga furay Dugsiga tababarka kumaandooska Danab

Waxa tababar loo furay ku dhawad 300 ciidana ah, kuwaas oo  Looga furay Dugsiga tababarka ciidamada kumaandooska Danab ee Balidoogle.

Waxana Tababarka u furay Abaanduulaha  Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  G/Le Axmed C/laahi Nuur Beer yare  iyo Sarakiil kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ayagoo halkaas lagu siin doono Tababar aad u heer sare ah sida ay sheegeen Sarakiisha tababarka bixinaya.

Waxana siibadana dhalin yarada Aqoonta leh ee kuso biraya ciidanka xoogga Dalka soomaaliyeed, kuwaas oo sanadahii danbe ku biirayay Ciidanka dalka.

Dhallinyarada ku biiraya Ciidanka ayaa isugu jira Heer jamacaded iyo Xerfad yaqaaniin ah kuwaas oo u muhiin ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed, waxaana Saraakiisha Tababarka bixinaya ay warbaahinta u sheegeen in Ciidanka Cusub ay mas’uuliyad gooni ah iska saari doonan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media