Somaliland oo ka hadashay xaalada Dadkii Maanta ay karantiishay

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay 16 ruux oo Maanta laga qabtay gudaha Garoonka diyaaradaha Hargeysa, kuwaasi oo yimid dalka dibadiisa, isla markaana looga shakiyay inay qabaan Cudurka Coronavirus.

Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo ah Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in 16 oo Soomaali ah oo looga shakiyay Corona lagu qabtay Hargeysa lana karantiilay.

Waxaa uu sheegay Agaasime Xergeeye in baaritaankii ugu horreeyay ee COVID-19 lagu sameeyay, isla markaana aan laga heli wax Cudur ah, xili ay ka yimideen dalal uu ku saameeyay Coronavirus ayna xaaladooda wanaagsan tahay.

Isaga oo sii hadlaayay Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa uu tilmaamay in dadkaas ay u harsan yihiin baaritaano kale oo lagu sameeyn doono, isagoona xusay in hadii laga waayo wax cudur ah la fasixi doono.

Ugu dambeyn Agaasimaha ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay wado dadaalo badan oo looga hortego faafida Cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haaya Caalamka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media