Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu soo waramayaa in la dhigay Xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla Magaaladaas.
Wariyeyaal klu sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in xalay Ciidamo la dhigay xarunta dowladda Hoose, Xarunta Bankiga iyo Saldhiga Booliska ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaas horey u joogay Ciidamo.
Sidoo kale Ammaanka Guud ee Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana Waddooyinka qaar lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan dowladda oo gaadiidka noocyadiisa kala duwan baaritaano ku sameeynaya.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayan in sababta Ciidamo loo dhigay Xarumo ku yaalla Caasimadda Galmudug ay tahay, kadib markii la dareemayaa in Ahlusunna ay Ciidamo geyn rabtay xarumaha ugu waa weyn e ku yaalla halkaas.
Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo Madaxweynaha Galmudug ee Ahluaunna u dooratay ee Sheekh Maxamed Shaakir, waxaana maalmihii lasoo dhaafay labada dhinac ay kuwo kala kuwan ka wadeen Magaalada.