Ciiddamo ka tirsan Waaxda Injineeriyadda ee Milliteriga Kenya ayaa la sheegay inay gaareen dalka Kaamiruun, halkaasi oo ay ku soo qaadan doonaan Tababar la xiriira Taatikadda cusub ee La-dagaalanka Alshabaab.
Ciiddankaasi oo muddo isbuuc ah jooga dlkaasi waxay kaloo baran doonaan Teknoolajiyadad cusub ee Waddooyinka Ciiddanka Kenya ee isku xira xuduudaha Somalia iyo Kenya.
Waddooyinka aadka u liita ee ku yaalla xuduudka waxay Ciiddanka Kenya dhibaato kala kulmeen weerarada ay Alshabaab la beegsadaan Askarta isticmaasha Waddooyinka isku xira Kenya iyo Somalia.
Jeneral James Gitiba oo ka tirsan Saraakiisha Kenyanka ee ku sugan dalka Kaamiruun ayaa sheegay in ay Ciiddanka Afrikaanka iska kaashanayaan sidii loo yareyn lahaa xanuunka iyo dhibaatadda qaaradda ka haaysta dhowrka dale e ay Colaaadaha ka socdaan.
Tan iyo sannadkii 2011-kii, Ciiddanka Kenya waxay qeyb ka ahaayeen Ciiddamadda Afrikaanka ee hawlgalka ka wada gudaha dalka Somalia, waxayna khasarao baa’an kala kulmeen dagaalka Alshabaab.
Sannadkii 2016-kii, in ka badan 200 Askar Kenyan ah ayaa lagu dilay weerar ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen Saldhiga ay Ciiddankaasi ku lahaayeen Degaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.