Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ka dhacay duqeymo diyaaradeed oo qaarkood ku waxyeeloobeen dad Shacab ah,waxaana si kulul uga hadlay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Wasiir Aadan Aw Xirsi ayaa sheegay in duqeymaha laga fuliyo deegaanada Al-Shabaab ay dhiiri gelineyso in dad horleh ku biiraan Al-Shabaab.
”Duqaymaha cirka ee aan loo meel-dayin wax weyn uma dhimaan argaggixisada, balse waxay kordhiyaan dadka ku biiraya Al Shabaab.
Waa wasiirkii ugu horeeyey ee ka tirsan jubbaland oo si kulul uga hadla duqeymaha dadka rayidka ah khasaaraha ka soo gaaran ee ka dhaca deegaano ka tirsan Gobolada dowlad Goboleedka Jubbaland.