Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya Maanta ku dhexmaray qeybo kamid ah Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Dagaalkan ayaa sigaar ah waxaa uu uga dhacay Xaafada Xoosh degmada Dharkeenley,isla makaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dagaalkan uu ka bilowday,weerar Ciidamo ka tirsan dowladda oo la socday Gaari nooca dagaalka ay ku qaadeen Fariisimo Ciidamada Milateriga ay ku leeyihiin Xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenley.
Ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintya dagalkaas,halka saddex kalena uu dhaawac ka soo gaaray,kuwaasi oo ka kala tirsan labada dhinac,waxaana kuwa dhaawacmay loo qaaday mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee Muqdisho.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayan dagaalkii sababay Khasaaraha nafeed ee dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka.