Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

Dagaalkaan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Jubba ee Magalada Muqdisho,waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan Nabadsugida iyo Booliska.

Dagaalka labada Ciidan ayaa salka ku haya,kadib markii mid ka mid ah Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Booliska ka tirsan ay wada murmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa waxa ay tirakoob iyo qoraal ka wadeen dadka degan Guryaha ku yaalla dhabarka dambe ee Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud oo la doonayo in dadkaasi laga raro,waxana dadka ku jira Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in is rasaaseynta labada ciidan uu ku geeriyooday hal askari oo ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida mid kalena uu ku dhaawacmay.

Waxaa haatan hakad ku jira isku socodka dadka iyo Gaadiidka Wadada isgoyska Jubba,waxaana dadka halkaasi degan ay sheegayaan inay cabsi dareemayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor