Dhageyso:-in ka badan 400 Arday oo ka badbaaday qarax ka dhacay Boosaaso

Barqanimadii Shalay ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland lagu weeraray Bam Gacmeed kaas oo geystay khasaaro dhaawac ah oo gaaray Ciidamada qaarkood iyo dad Shacab ah.

Duqa Degmada Boosaaso  Yaasiin Mire Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxaas ay ka badbaadeen 400 oo Arday kuwaas oo wax ka baranayay Xarun lagu xanaaneeyo Caruurta oo ku taalla Goobtii uu qaraxa ka dhacay.

Waxa uu sheegay in dhibaatadaas ay masuul ka yihiin kuwa nabada diidan isla markaana uu rajenayo in hal meel looga soo wada jeesan doono si meesha looga saaro.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in haatan ay socdaan baaritaano dhaeraad ah oo ku saabsan sidii lagu ogaan lahaa dadkii ka dambeeyay qaraxaas.

Qaraxa shalay ka dhacay Boosaaso ayaa ku soo aadaya xili weli goobihii Ganacsiga ay xiran yihiin kadib Ganacsatada oo ka cabanaya Shirkadda lagu wareejiyay Dekada Magaalada Boosaaso.

Hoos Ka Dhageyso Codka Duqa Magaalada Boosaaso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media