Wararka aan ka heleyo xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay ay soo gaareen Ciidamo badan oo aan ka kamid ah aheyn howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamada Itoobiyanka ayaa waxaa la sheegay inay kasoo baxeen Magaalada Jigjiga, iyagoon soo gaaray deegaan lagu magacaabo Boorancad oo dhawaan ay ku dagaalameen dad xoolo dhaqato ah iyo Ciidanka Liyuu Booliiska.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen Ciidamo Itoobiyan oo wada gaadiidka nooca dagaalka, isla markaana gudaha u soo galaya deegaanka Boorancad ee uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 21-aad ee Xoogga dalka oo maalmo kahor gaaray Boorancad ayaa halkaas Maxaabiis ugu kala wareejiyay dadkii xoola dhaqatada ahaa iyo Ciidanka Liyuu Booliiska ee dirirto dhexmartay.
Si kastaba ilaa iyo hada Lama oga u jeedada rasmiga ee ka dambeeya in Ciidanka Itoobiya oo wata gaadiidka nooca dagaalka ay soo galaan deegaano ku yaalla xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.