Ciidamo Hubeysan oo ku labisan Dareeska Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa isku hor fadhiya Suuq yare ku yaala Xaafada Soona Key Ee Degmada Hodan agagaarka Jaamacadii Gaheyr.
Dadka deegaanka ayaa Radio Dalsan u sheegay in qaar kamid ah Ciidamadasi ay amren dadka halkasi ku nool iney ka guuran halka kuwa kalena ay diidan yihiin.
Sidan oo kale ayaa ka dhacday isla goobtan markii la isku qabtay dhul la sheegay iney leedahay dowlada Soomaaliya.
Dad shacab ah ayaa markasi ku dhintay kuna dhaawacmay Iska hor imaad halkasi ka dhacay.