• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, June 20, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

21-sanno-guuradii ka soo wareegtay Geeridii Madaxweynihii Dowladdii Kacaanka oo maanta ku beegan

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 2, 2016
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Allaha U Naxariiste Madaxweyne Jeneral Maxamed Siyaad Barre waxa uu dhashay bishii October 5-dii ee sannadkii 1919-kii, wuxuuna noqday Madaxweynihii 3aad ee Jamhuuriyadda Somalia muddadii u dhexeysay Oct 21-dii 1969-kii ilaa 26-Janaayo 1991-kii,  ka hor inta aan xukunka looga tuuray Kacdoon Jabadeed oo Shacabka lagu awr-kacsaday.

Marxuum Jaalle Maxamed Siyaad Barre waxa uu xilka Madaxweynaha ku qabsaday Afgembi uusan Dhiig ku daadanin, kadib, markii Madaxweynihii hore ee dalka, Marxuum C/rashiid Cali Sharma’arke  lagu dilay magaalladda Laas Caanood.

Dilka Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke, waxay keentay  inay Mudanayaasha Barlamaanka ee Xilligaasi ku guuleysan waayeen inay Madaxweyne cusub doortaan, waxayna taasi dhalisay in Saraakiisha Sare ee Ciiddanka Qaranka oo hoggaaminayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqeen inay Talada dalka la wareegeen.

Saraakiisha oo la magac baxay Golaha Sare ee Kacaanka, waxay kala  direen Barlamaankii dalka, waxayna mamnuuceen dhamaan Xisbiyaddii Siyaasadda.

Dowladdii Kacaanka waxay noqotay Dowlad ku dhaqanta Nidaamka Hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, waxayna xiriir dhow la yeesheen Dowladihii Hantiwadaagga oo ay ugu horreysay Dowladii hore ee Midowgii Soofiyeet (USSR) oo haatan loo yaqaano Raashiya.

Dowladda Kacaanka waxay Waddanka gaarsiisay Horumar iyo Nabad, waxayna Ardaydu haysteen Waxbarasho lacag la’aan ah laga bilaabo Dugsiyadda Hoose ilaa Jaamacadaha.

Waxa kale oo Dowladda Kacaanka lagu amaani karaa Dhismaha Qeybaha Ciiddanka Qaranka oo ugu tayeysnaa guud ahaan Milliteriga Afrika.

Wixii ka dambeeyey Dagaalkii 1977-kii lala galay Dowladda Ethiopia, waxaa kordhay Saraakiisha iyo Siyaasadda mucaaradsanaa Siyaasadda Dowladda Kacaanka, waxaana bilwoday Dhismihii Jabhadihii Hubeysnaa ee saldhigga ku lahaa gudaha dalka Ethiopia.

Jabhadii SSDF ayaana ugu horreysay Jabhadsi toos ah uga hortimaada Dowladdii Kacaanka, waxaana Jabhadaasi wax ka asaasay Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

Sidoo kale, Jabhaddii USC iyo kuwo kale ayaa dhismay, kuwaasi oo ugu dambeyn Kacdoon Hubeysan xilka kaga tuuray Madaxweyne Siyaad Barre, wuxuuna Madaxweyne Siyaad Barre masaafuris u tegay Kenya, kadibna waxa uu u sii gudbay dalka Nigeria, oo uu ku geeriyooday bishii Janaayo 2-dii sannadkii 1995-kii.

Tan iyo markii Dowladdii Kacaanka xukunka laga tuuray horaantii bishi iJanaayo ree sannadkii 1991-kii waxa uu dalkeenna madaxa la galay colaado sokeeye, kuwo Deegaameed, kuwo Siyaasadeed iyo kuwo kale, waxaana ku geeriyootay ama ku barakacday Malaayiin qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo Qaxooti ahaan ugu nool inta badan dalalka kale ee Caalamka, oo ay ugu horreeyaan Dowladaha Reer Galbeedka.

Ugu yaraan 350,000 oo Soomaali ah ayaana Qaxooti ahaan ugu nool Xerooyinka Qaxootiga ee W/bari ee Kenya, kuwaasi oo badankooda haatan codsanayo in lagu soo celiyo dalkooda hooyo.
Markaynu isku soo duubno, Dowladdii Kacaanka muddadii ay jirtay waxa uu dalku gaaray Horumar iyo Mustaqbal, balse, haatan Soomaalidu waxay ku jiraan Dib-u-yegleelidda Dowlad iyo ka-soo-kabashadii diiftii Dowlad la’aanta.

Xasan Cali Cusmaan(Istiila)

[email protected]

©Radio Dalsan

Previous Post

Somalia: Huge explosion in Mogadishu kills three

Next Post

Ciidamo Hubeysan oo isku Hor Fadhiya Xaafada Soona Key Ee Degmada Hodan

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

June 19, 2025
Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay
Warar

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

June 19, 2025
Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya
Warar

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

June 19, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Waxaa maanta si rasmi ah lagu soo xiray Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saddex haween ah ay ku dhaawacmeen weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan...

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in xiisadda militari ee u dhexeysa Iran iyo Israa’iil...

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha...

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay
Warar

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya
Warar

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
  • Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
  • Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay
  • Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00