Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa saqdii dhexe ee xalay safar dhinaca dhulka ah ku gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Ciidamadan oo watay gaadiidka nooca dagaalka ayaa waxaa hoggaaminayey Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka, kuwaasi oo sheegay inay u jiheysteen furimaha dagaalka, iyaga oo fulinaya amarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ciidanaka ka baxay Muqdisho ee gaaray Cadale ayaa waxaa uu ujeedkoodu yahay ku biirista Ciidamo farabadan oo horey degmadaas u tegay, isla markaana loo diyaariyey howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilaabaya Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Jeneraal Gacmaduule oo kamid ah Saraakiisha hoggaamineysa Ciidankii xalay baxay oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay u jiheysteen dagaalka ka dhan ah Al-shabaab, gaar ahaan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.
Maalmo kahor ayey aheyd markii Ciidamo farabadan oo kamid ah kuwa Milateriga ay gaareen degmada Cadale oo la sheegay inay tahay halka laga abaabulayo dagaalka ka dhan ah Al-shabaab ee Shabeellaha Dhexe, isla markaana Ciidanka halkaas ku sugan yahay ku wajahan yihiin deegaano ka tirsan Gobolka oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.
Deegaano dhowr ah oo kala tirsan Gobolada Mudug, Galgaduud, iyo Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay dagaalo culus oo dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka, Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab, khasaaro badan ayaana ka dhashay oo dhinacyada kala garaay.