Dhageyso:-Mahad Cawad oo soo saaray Go’aano ka dhan ah Guddoomiye Mursal

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa amar ku bixiyay in aan lagu shiri Karin Xarunta Guddiyada Golaha Shacabka inta uu jiro khilaafka ka dhashay mooshinkii Madaxweyne Farmaajo.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa War-Saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku go’aamiyay.

1: In Maamulka Golaha ee uu ugu sareeyo xogheyaha Golaha uu mas’uul ka yahay howl socod siinta Go’aamadii ka horeeyay khilaafka, isla markaana uusan fulin karin G’aamo Maamul iyo maaliyadeed oo aysan ka wada tashan Xafiiska Guddoonka ka wada tashan.

2: In Xildhibaanada kala aragtiyada duwan aysan u isticmaali karin kulamadooda siyaasadeed hoolka shirarka ee Guddiyada Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

3:- In Xarunta Golaha Shacabka ay u dhaxeeyso dhamaan Xildhibaanada lagana ilaaliyo in koox aragti gaar ah wadato ay u adeegsato hanaan guddoonka Golaha isku waafaqsaneyn

4: In Maaliyadda iyo miisaaniyadda Golaha loo maareeyo hanaan leysku waafaqsan yahay kana wada tashadeen Guddoonka iyo Xafiiska Golaha.

5: In aanan aqoonsaneyn Guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda Golaha Shacbaka ee la kala diray 28 Bishii la soo dhaafay  anaga oo u soo jeedineyna Guddoomiyaha Golaha Shacabka in uu guddoonku ka heshiiyo dhismaha guddi uu waqtigiisu ku egyahay maareynta miisaaniyadda Sanadka 2019 iyo xisaab xirka 2017,iyada oo la deegsanaya xeer hoosaadka 56aad farqada 6aad.

Go’aanadaan ayaa u muuqda kuwo meesha ka saaraya awooda Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiarxmaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor