Ciidamada Suuriya ayaa si dhaqso ah ugu dhaqaaqay magaalooyinka iyo Tuulooyinka ku yaala waqooyi bari ee dalka Suuriya iyaga oo isku diyaarinaya dagaal ay kaga hortagayaan Ciidamada uu Turkigu hogaaminayo
Warbaahinta Dowladda ayaa sheegaysa in Ciidamada Suuriya oo Ruushku tagaeero ay gudaha u galeen magaalada Manbij,waxaana talaabadaani ay qayb ka tahay heshiiskii ay la galeen xoogagga ay Kurdiyiintu hogaamiyaan isla markaana horey Mareykanka gacan uga heli jiray .
Sidoo kale warbaahinta Dowladda Suuriya ayaa ku warameysa in magaalada Manbij oo ay galeen ciidamada Suuriya ay tahay halka dowladda Turkigu ay dooneyso in ay ka dhigto aag nabdoon lagana nadiifiyo dagaalyahannada Kurdiyiinta .
Ciidamada ayaa horey u gaaray magaalooyinka Tal- Tamer iyo Caynu Ciisaee waqooyi bari Suuriya halkaas oo dadka deegaanku ay dabaal degyo ku soo dhaweyeen ciidamada .