Sawirro:-Wafuudii ka qeyb gashay Caleemo-saarkii A/Madoobe oo kulan sagootin ah loo sameeyay

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Guriga martida Jubbaland ayaa xalay waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu sagootinayo Madaxdii ka qeyb gashay Caleemo saarka Madaxweynaha dowla Goboleedka Jubbaland.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed,Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee dalka.Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale Munaasabaddan uu soo qaban-qaabisay maamulka Jubbaland ayaa waxaa joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka,Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir,Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo Marti sharaf kale oo lagu Casuumay Xafladii lagu Caleemo-saaray Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa u mahadceliyay Madaxda iyo Siyaasiint ka qeyb gashay Munaasabada Caleemo saarkiisa,isagoo kula dardaarmay midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media