Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in saakay Waaberigii hore Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay isaga baxeen deegaan ka tirsan Gobolkaaas.
Ciidamadii Kenya ee ku sugnaa deegaanka lagu magacaabo Buusaar ee ku yaalla Gobolka Gedo ayaa la sheegay in ay gabi ahaanba isaga baxeen,waxaana halkaasi ay ku lahaayeen Saldhigyo Militeri.
Dad ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Buusaar,isla markaana fariisimo ka sameeystay deegaanka.
Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in Ciidamada Kenya inta aysan ka bixin Buusaar hawada ay ka saareen Isgaarsiintii deegaankaas,waxaana weli hawada ka maqan Isgaarsiintii ka shaqeeyn jirtay halkaasi,iyadoona u dhaqaaqay Degmada Ceelwaaq.
Deegaanka Buusaar oo ah mid istitaatiiji ah wuxuu dhacaa Koonfur Galbeed ee Gobolka Gedo, Buusaar ayaa qiyaastii 40 Km dhanka Bari uga beegan Magaalada Ceelwaaq waana deegaan istiraatiiji ah oo isku xira inta badan Magaalooyinka Gobolka Gedo iyo sidoo kale Gobollada Jubboyinka.
Dhawaan ayey aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay isag baxeen deegaanka Fax fax dhuun ee Gobolka Gedo,kaasi oo ay ku lahaayeen Fariisimo waaweyn.