Wararka nagasoo gaaraya Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay xasbiga dhigeyn Gabar ka mid ah Dadka ku nool Magalada Kismaayo taas oo iyada oo kismaayo ku sugan dad soo dhigay facebook Erayo ay ku taageerayeen Dowladda Soomaaliya ay ka dhiibatay aragteeda qaarkoodna ay share gareysay oo ay asxaabteeda kale la wadaagtay.
Gabadhas oo lagu Magacaabo Sahro Maxamed Yuusuf ayaa mudo saddex maalin ah u xiran Maamulka Jubbaland balse maanta la ogaaday.
Illo xog-ogaal ah ayaa waxa ay sheegeen in xilliga la xirayay ay Suuqa Magalada Kismaayo adeeg kasoo doonatay balse Ciidamada Jubbaland ay halkaasi ka wateyn.
Waxyaabah ay fikirkeeda ku cabirtay ee dowladda lagu taageerayay,isla markaana facebook lasoo dhigay ayaa waxaa ku jiray Erayo loogasoo horjeeday Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiye Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)
Mamulka Jubbaland ayaa horay dhowr mar u xiray dad bartooda facebook ku qoray erayo ka dhan ah maamulka Jubbaland,iyada oo taasi ay walaac ka muujiyeen Bulshada Magalada Kismaayo.