Ciidamada Itoobiya oo qarax xoogan lagula eegtay gobolka Hiiraan

Ciidamada Itoobiya ee ku howlgala magaca howlgalka AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in qarax xoogan Maanta lagula eegtay Tuulada Nuur Fanax oo ku dhaw deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxasi uu sababay dhawaaca dad shacab ah balse weli si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ee soo gaaray askarta iyo shacabka.

Al Shabab ayaa badanaa sheegatay qaraxyada iyo weerarada lala beegsado ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor