Wabiga Shabeele oo ku fatahay gobolka Shabeelada Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabeele uu ku fatahay deegaano hoos yimaada magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Wabiga ayaa fatahaad ka sameeyay tuulooyinka Tuugaarreey iyo Maandheere oo hoostaga magaalada Jowhar.

Dadka ku dhaqan deegaanada hoos yimaada Jowhar ayaa beryahanba cabsi xoogan ka muujinayay fatahaad uu sameeyo wabiga Shabeele.

Dadka ku nool deeganada uu maro wabiga Shabeele ayaa dhawaan ka cabanayay biyo la’aan xoogan kadib markii uu wabiga guray,balse imminka waxay ka cabanayan biyo badan iyo fatahaad uu wabiga sameeyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor