Wararka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay ay Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay si buuxda u la wareegen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Warbaahinta dowlada ayaa sheegeysa in ciidamada la wareegay degmada Galcad ay ka soo tagen deeganka Budbud oo qayaastii 30 KM u jira degmadasi.
Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgalo balaaran ka wada deeganada ay ku sugan yihiin Al Shabab.