Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa ku waramaya in ciidamada maamulka Galmudug ay maanta ku weeraren ciidamada 21 aad ee dowlada Soomaaliya Xarunta Kafaalo ee Magaalada Cadaado oo mushaar loogu qeybinayay ciidanka.
Khasaare xoogan ayaa la soo sheegaya inuu ka dhashay dagaal halkasi ka dhacay sida wararka aynu ku helnay,inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Ciidamada weerarka qaaday ayaa la sheegay iney ka gadooden mushaarka loo qeybiyay ciidamada dowlada,waxaana halkasi ka dhashay dagaal xoogan oo khasaare uu ka soo garay dhinacyadasi dagaalamay.
Ciidamada dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa marwaliba isku dhaca marka mushaaraadka loo qeybinayo askarta.