Wararka aan ka heleyno degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda iyo kuwa Ahlusunna.
Dagaalkan ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa mid socday muddo ah, isla markaana Ciidanka dowladda ay kula wareegeen gacan ku heynta degmadaas, kadib markii ay isaga baxeen Ciidankii Ahlusunna ee ku sugnaa halkaas.
Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in ciidamada dowladda oo wata gaadiidka nooca dagaalka lagu dhex arkayo degmada Matabaan, isla markaana haatan ku sugna yihiin Ciidanka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Xaalad kacsanaan ah Maanta laga dareemayo Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaaana halkaas lagu wadaa inuu gaaro Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeeb ee Caasimadda Galmudug.