Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxa ay howlgallo ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka jubbada Hoose halkaas oo shalay ay kala wareegeen dagaalyanada Al-Shabaab.
Deegaanada Maanta sida gaarka ah uu howlgalka uga socdo ayaa waxaa ka mid ah deegaanada Buulo Xaaji iyo Araare,sida dadka deegaanadaas u sheegeen Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa lagu soo waramayaa in dhulka baadiyaha ah ee deegaanadaas ay isku fidiyeen,sidoo kalena ciidamadu ay baarayaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee deegaanadaas soo galaya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in ay howlgalka siiwadi doonaan ilaa deeganada kale oo ka maqan gacantooda ay kala wareegaan Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa dhowr mar waxa ay la wareegeen deegaanka araare,iyada oo dib uga soo baxay,waxaana la ogeyn in sidii hore si la mid ah ay dib uga soo bixi doonaan iyo in kale.