Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo isaga baxay deegaanka Fiidow

Wararka aan Caawa ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Fiidow ee Shabeellaha Dhexe oo ay maalma ka hor la wareegeen.

Deegaanka Fiidow ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM waxa ay kala wareegeen Al-Shabaab oo maamulayay tan iyo markii ay la wareegeen Sanadkii 2015-kii.

Wararka Caawa Dalsan ay heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Jabuuti oo howlgalka deegaankaas lagula wareegay qeyb ka ahaa ay aadeen degmada Jalalaqsi halka kuwa Burundi ay soo aadeen dhinaca Magalada Jowhar.

Lama oga sababta ka danbeysa in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga soo baxaan deegaanka Fiidow,waxaana warar haatan soo baxaya ay sheegayaan in Al-Shabaab oo aan ka fogeen deegaanka Fiidow ay dib ula wareegeen.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa inta badan isaga baxa deegaanada ay Al-Shabaab kala wareegaan,waxaana dhawaan jirtay in si lamid ah ay Ciidamada dowladda ay dib uga soo baxeen tuulooyinka Basra,kulanta iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Balcad oo ay dhawaan la wareegeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media